Madax ka kala socota dalal kala duwan ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan shir madaxeedka 2-aad ee cimilada Afrika - ENA Af-Soomaali
Madax ka kala socota dalal kala duwan ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan shir madaxeedka 2-aad ee cimilada Afrika

Addis Ababa; Bagumen 2 / 2017 (ENA): Madax ka kala socota dalal kala duwan ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan shir madaxeedka 2-aad ee cimilada Afrika.
Madaxweyne ku xigeenka Tansaniya Filip Isadora Mpango (Dr.) iyo madaxweyne ku xigeenka golaha madaxtooyada Liibiya Musa Elko ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan shirka.
Madaxdan ayaa markii ay ka soo degeen garoonka caalamiga ah ee Bole waxaa ku soo dhoweysay Wasiirka Cadaaladda Hanna Arayasalase.
Shir Madaxeedka 2-aad ee Cimilada Afrika ayaa berri oo taariikhdu tahay 3-da Bagumen 2017 ka furmaya Addis Ababa.
Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro talo ku saabsan sidii si waara looga gudbi lahaa caqabadaha adag ee ka taagan qaaradda.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya