Waxaan Itoobiya u horseedi doonnaa horumar waara anagoo adeegsanayna dadaalladayada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo nabadda dalka – Ra’iisul Wasaare ku xigeen Temesgen Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Waxaan Itoobiya u horseedi doonnaa horumar waara anagoo adeegsanayna dadaalladayada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo nabadda dalka – Ra’iisul Wasaare ku xigeen Temesgen Tiruneh

Addis Ababa; Bagumen 2/2017 (ENA): Waxaan Itoobiya ugu horseedi doonaa horumar waara anagoo adeegsanayna dadaalkeena wadajirka ah ee lagu ilaalinayo nabadda, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh.
Wasaaradda Nabadda ayaa qabatay dood cilmiyeed halku dhigeedu ahaa “ilaalinta nabadda Itoobiya” oo ku saabsan maalinta midnimada ee 2-da Baagumen.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in xuska maalmaha Bagumen looga gol leeyahay in shacabka lagu baraarujiyo si ay qorsheyaasha dowladda uga mid noqdaan qorshayaasha, hadfyada iyo jihooyinka marka ay qorsheynayaan xaqiijinta himilooyinkooda gaarka ah ee sanadka cusub.
Sanadkan sii dhamaanaya ayaa waxa lagu guuleystay dhamaystirka Biyo xidheenka weyn ee Itoobiya, la gaadhay heerkii ugu sarreeyey ee wax soo saarka gaaskeena, saxeexa heshiis ku saabsan soo saarista bacriminta, horumarinta wadooyinka, xoojinta wax soo saarka warshadaha, cagaha cagaaran iyo hawlo kale oo waaweyn.
Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in amniga iyo siyaasadda dhaqaalaha Itoobiya aysan kala maarmin, wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanku ay yihiin ilaaliyaha dimoqraadiyadda, ilaalinta amniga bulshada iyo ciidamada dhaqaalaheenna.
Dhanka kale waxa uu intaasi ku daray in dadka ku lugta leh dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda ay iyaguna yihiin ilaalada iyo ilaalinta nabadda iyo amniga.
Wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay bilowday dib u dhis, isagoo sheegay in Itoobiya ay dhiseyso dhaqaale aad u badan; iyo in jabkeenii qarniyaal badan la hagaajinayo.
Wuxuu tilmaamay in Itoobiya oo leh midnimo qaran oo xooggan ay ku dhisan tahay dadaal iyo iskaashi dhammaanteen, wuxuuna xusay in horumar laga gaarayo dhinacyada beeraha, macdanta, dalxiiska, warshadaha wax soo saarka iyo ICT-ga.
Waxa uu sheegay in is bedelka lagu sameeyay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada aysan aheyn mid farxad u ah qof walba balse uu yahay mid cusub oo ay adag tahay in la rumaysto.
Dhanka kale waxa uu sheegay in aan sii xoojino nabadeena, dhanka kalena aan abuurno jawi wanaagsan oo sahlaya safarkeena badhaadhe innaga oo ilaalinayna, xoojinayna, kor u qaadida iyo isku xidhkaba.
Wuxuu sheegay in ilaalinta ay ka dhigan tahay in mar walba laga ilaaliyo nabadda iyo ammaanka Itoobiya iyo Itoobiya oo laga ilaaliyo dadka colaadaha hurinaya, kuwa wax tahriibiya, kuwa dhaqaalaha ku shaqeysta, kuwa sharci darrada ah ee dadka ka ganacsada, kuwa xagjirka ah iyo argagixisada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in xoojinta ay ka dhigan tahay in nabada aan ilaalinay ay tahay mid waarta oo shacabka laftirkooda ay yihiin kuwa nabada iska leh.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in isku xirka ay ka dhigan tahay in deegaannada, gobollada, degmooyinka, magaalooyinka, iyo hay’adaha ay ka wada shaqeeyaan sidii hal hay’ad oo kale nabad iyo amni looga wada shaqeyn lahaa.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya #Itoobiya