Shir Madaxeedka Labaad ee Jaaliyadda Afrikaanka iyo Kariibiyaanka ayaa Bilaabmay - ENA Af-Soomaali
Shir Madaxeedka Labaad ee Jaaliyadda Afrikaanka iyo Kariibiyaanka ayaa Bilaabmay

Addis Ababa; Baagumen 2/2017 (ENA): Shir madaxeedka labaad ee Jaaliyadda Afrika iyo Karibbiyaanka ayaa ka bilowday xarunta Midowga Afrika.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Angoola, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika Jowaa'o Lorenzo, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yusuf, Xoghayaha Guud ee Jaaliyadda Karibbiyan iyo Ra’iisul Wasaaraha Barbadhos Miya Amor Motley, iyo madax iyo wasiiro kale oo ka tirsan Karibbiyan-ka.
Shir-madaxeedka jaaliyada Afrikaanka iyo Kariibiyaanka waxa uu leeyahay hal-ku-dheg ah “Iskaashiga Qaaradda Dhan ee Raadinta Caddaaladda Dib-u-Celinta ee Afrikaanka iyo u dhaladka.”
Shir-madaxeedkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Koonfur-Koonfureed ee u dhexeeya dalalka Afrika iyo Karibbiyan-ka iyo sidii loo heli lahaa madal ay ku midaysan yihiin codkooda.
Waxa ay Afrika u sahlaysa in ay xidhiidhka ay la leedahay dalalka Karibbiyan-ka u beddelo diblomaasiyad dhaqaale iyo iskaashi xooggan.
Itoobiya oo ah meesha uu ka dhashay bini’aadantinimada, isla markaana astaan u ah xoriyada dadka madow ayaa kaalin hormuud ah ka qaadanaysa shir madaxeedkan.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya