Waxaan ku xoojin doonaa aasaaska Itoobiya anagoo adeegsanayna halgankeena dhinac walba ah – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Bagumen 1/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa sheegay in aan ku xoojin doonno asaaska Itoobiya anagoo adeegsanayna halgankeena dhinac walba ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu fariin uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ku sheegay xuska maalinta adkaysiga, waxaanu sheegay in Itoobiya ay barwaaqadeeda ku xaqiijinayso gacmo adag oo xoojin kara aasaaskeeda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aan xoojin doono aasaaska Itoobiya anagoo adeegsanayna halgankeena dhinac walba ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa farriintiisa uu soo gudbiyay, ku sheegay in aan dhisi doono dal xooggan oo dhiig iyo dhidid leh oo aan laga adkaan dhibaato kasta, caqabadahaas oo u beddela fursado, mustaqbalkana ka mid noqon doona waddamada quwadda leh ee adduunka.

#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
 #Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015