Waxaan ku dadaali doonnaa inaan xaqiijinno haybadda Itoobiya anagoo dhisnayna hay’ado xooggan oo ka fiican kuwii hore – Wasiir Muferixaat Kaamil - ENA Af-Soomaali
Waxaan ku dadaali doonnaa inaan xaqiijinno haybadda Itoobiya anagoo dhisnayna hay’ado xooggan oo ka fiican kuwii hore – Wasiir Muferixaat Kaamil

Addis Ababa; Baagumen 1/2017 (ENA):- Wa aan ku dadaali doonaa inaan xaqiijino haybadda Itoobiya anagoo dhisayna hay’ado awood leh oo ka gudbay waqtigii hore, ayay tiri wasiirka shaqada iyo xirfadaha Muferixaat Kaamil.
Wasaaradda shaqada iyo xirfadda ayaa hay’adda shaqaalaha rayidka ah u aqoonsatay in ay soo gebagebeysay wejigii diyaarinta ahaa ee adeeg bixinta iyo dib u habeynta maamulka heer sare.
Wasiirka shaqada iyo xirfadaha Muferixaat Kaamil oo ka hadashay xaflada aqoonsiga ayaa sheegtay in Itoobiya ay noqon doonto mid tartan iyo mid wax ku ool ah dhinac walba leh, iyadoo la dhisayo hay’ado waara oo la isku halayn karo.
Arintaan ayay xustay in wasaaraddu ay waday0 howlo dib u habeyn ah oo u sahlaya in ay helaan adeeg wanaagsan.
Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay diyaar u tahay hirgelinta iyadoo si sax ah u dhameystirtay wajigii diyaarinta ee dib u habeynta adeegga bulshada.
Waxay kale oo ay sheegtay inay ku dadaali doonaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen haybadda Itoobiya, iyagoo dhisaya hay’ado xooggan oo ka gudbi doona xilligan.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya #Itoobiya