Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya waa mashruuc jiil oo lagu suurto-geliyay dadaal iyo iskaashi wadajir ah - ENA Af-Soomaali
Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya waa mashruuc jiil oo lagu suurto-geliyay dadaal iyo iskaashi wadajir ah

Addis Ababa; Naaf/Nahase 28/2017 (ENA): Biyo-xidheenka weyb ee itoobiya waa mashruuc jiil oo lagu suurto galiyay dadaal iyo iskaashi wadajir ah, ayuu yiri Wasiiru-dawlaha Dhaqanka iyo Ciyaaraha Brofessor Nebiyu Baye.
Barnaamijka suugaanta ee ENA waxa ka soo qayb galay wasiiru dawlaha dhaqanka iyo ciyaaraha Brofessor Nebiyu Baye, madaxa fulinta ee xafiiska isku xidhka mashruuca biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Aregawi Berhe (Dr.); Qoraa ruug-caddaa ah, riwaayad-yaqaan iyo jilaa Getnet Enye, khabiiro faneed, abwaanno, xubno ka tirsan hoggaanka iyo shaqaalaha ENA.
Wasiiru-dawlaha Dhaqanka iyo Ciyaaraha, Brofessor Nebiyu Baye, ayaa wakhtigaas yidhi; Biyo xidheenka weyn waa mashruuc aad u xiiso badan oo u gaar ah dadka Itoobiya.
Waxa uu sheegay in qorayaasha iyo abwaannada ay ku luminayaan erayo ay ku tilmaamaan biyo-xidheenkan cajiibka ah.
Waxa kale oo uu sheegay in biyo-xidheenku aanu ahayn mashruuc aad u weyn, balse uu yahay sheeko dhab ah oo ku saabsan dedaalka wadajirka ah iyo iskaashiga Itoobiya.
Waxa uu sheegay in biyo xidheenka weyn ee Itoobiya uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay Itoobiya iyo Itoobiyaanka iyo in dhamaystirka biyo-xidheenka uu abuuri doono dhiirigelin lagu bilaabo mashaariic kale.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya