Haroorays waxaa laga bilaabay guryo wadareed loo dhisayo danyarta iyo qoysaska hayntoodu ay hooseyso - ENA Af-Soomaali
Haroorays waxaa laga bilaabay guryo wadareed loo dhisayo danyarta iyo qoysaska hayntoodu ay hooseyso

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 27/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed, iyo Wasiirka Dalxiiska ee JDFI, Marwo Salaamaawiit Kaasaa, ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruucan oo wax ka beddeli doona nolosha bulshada danyarta ah ee ku nool degmada Haroorays.
Guryahan oo ay fulinayso Wasaaradda Dalxiiska ee JDFI, ayaa loo dhisayaa qoysaska hayntoodu ay hooseyso ee degan guryaha duuga ah ee degmada ama aan haysanba hoy. Waxaa sida oo kale la siiyay guud ahaan agabkii waxbarashada 800 oo arday oo dhigata dugsiyada kala duwan ee degmada.
“Barnaamijkan waa mid wax weyn ku soo kordhin doona nolosha bulshada, maadaama uu yahay mid wax loogu qabanayo danyarta magaalada,” Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar.
Qorshahan ayaa looga golleeyahay barnaamijka tabarucaadka billaha xagaaga ah. Barnaamijkan ayaa lagu caawiyaa bulshada danyarta ah, isla markaana lagu fuliyaa qorshayaal waxtar u leh bulshada, waana qorshe guud oo uu qaatay Xisbiga talada haya ee Barwaaqo.
Maamulka gobolka ayaa sheegay in isbeddelkii kaddib degmada Haroorays ee gobolka Faafan laga hirgeliyay in ka badan 60 mashruuc oo taabanaya nolosha bulshada, isla markaana laga qoday saddex ceel biyood si baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada loo daboolo.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya