Gobolka Borena ayaa ku jira marxalad cusub kadib abaar joogto ah

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 27/2017 (ENA):  Ra’iisul Wasaare Kuxigeen, Temesgen Tiruneh, ayaa sheegay in gobolka Borena, oo muddo dheer la daalaa dhacay abaar joogto ah uu hadda ku jiro marxalad cusub.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa booqday Borena, halkaasoo uu soo kormeerey mashaariic horumarineed oo kala duwan, isla markaana uu soo kormeeray sida ay dadka deegaanka uga faa’iideysteen isbedelada la sameeyey.


 

Waxa uu tilmaamay in 14 biyo-xireen oo mashruuca FINAA laga bilaabay gobolka Borena, ay ujeedadoodu tahay in la abuuro xal waara oo looga hortago abaaraha soo noqnoqda, isla markaana lagu daboolo baahiyaha biyaha iyo nolosha dadka.

Mashruuca FINAA waxa uu diiradda saarayaa maareynta biyaha, dhulka, iyo dhirta, si xal waara oo nolol-wanaagsan looga hirgeliyo, waxaana sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenku, dadka Borena ay ka qeyb qaateen hirgelinta xalalkaas.


 

Maanta, dadka Borena lama kulmaan dhibaato biyo la’aaneed, xoolahooda iyo noloshoodaba si ku filan ayaa loo daboolay, iyadoo loo hirgaliyay mashaariic mug leh.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa intaa ku daray in dadkan Borena ay tusaale u yihiin meelaha kale, waxaana hawshaas lagu bogaadiyey madaxda kala duwan iyo bulshada gobalka oo dhan.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015