Itoobiyaanku iyagoo adeegsanaya awood mideysan iyo adkaysi ayaa suurto galiyay in Biya-xidheenka weyn ee Itoobiya la dhameystiro – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Itoobiyaanku iyagoo adeegsanaya awood mideysan iyo adkaysi ayaa suurto galiyay in Biya-xidheenka weyn ee Itoobiya la dhameystiro – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 27/2017 (ENA): Itoobiyaanku iyagoo adeegsanaya awood mideysan iyo adkaysi, isla markaana ku maalgeliyey dhaqaalahooda, ayay suurto galiyeen in Biya-xidheenka weyn ee Itoobiya la dhammaystiro, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).
Wuxuu xusay in dhismaha Biya-xidheenka weyn uu ahaa mid aad u adkaa, daal badan lahaa, caqabad ku jiray, isla markaana tijaabiyey adkaysiga ujeeddooyinka qaranka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku adkeeyay in caqabado badan oo ay ka mid ahaayeen taageero maaliyadeed oo aan la helin, cadaadis diblomaasiyadeed, cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, xiisadda Badda Cas iyo imtixaano kale, haddana dhismaha biya-xidheenka lagu guuleystay.
Itoobiyaanku iyagoo ku shaqaynaya awood mideysan iyo adkaysi, isla markaana ku maalgeliyey hantidooda, ayay sabab u noqdeen in mashruucaasi la dhammeeyo, ayuu raaciyay.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in ka sokow ka gudbidda cabsida iyo walbahaarka, uu biya-xidheenku horseeday helitaanka iftiin.
“Biya-xidheenkan iftiin ayaa ka soo baxay,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in iftiinkaasi u yahay kuwa muddo dheer ku jiray mugdi, dadka saboolka ahna uu u furay albaab cusub oo nololeed.
Dhammaystirka mashruuca wuxuu u yahay farxad weyn Itoobiya, jiilasha soo socda iyo walaalaheen kale, ayuu ra’iisul wasaaruhu ku nuuxnuuxsaday.
Ugu dambayntii, in kasta oo waqtiga lagu gaaray guushan uu dheeraa, haddana wuxuu sheegay in miraha la helay ay yihiin kuwo aad iyo aad u macaan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya