Harada ku taala Biya-xidheenka weyn ee Itoobiya ayaa loo bixiyey magaca “Waaberi”— Abiy Axmed (Dr.). - ENA Af-Soomaali
Harada ku taala Biya-xidheenka weyn ee Itoobiya ayaa loo bixiyey magaca “Waaberi”— Abiy Axmed (Dr.).

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 27/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku dhawaaqay in harada ku taalla biya-xidheenka weyn ee Itoobiya loogu magac daray “Waaberi”. Wuxuu intaas ku daray in haradani tahay tan ugu weyn Itoobiya gudaheeda, isla markaana ay ka mid tahay harooyinka ugu waaweyn qaaradda Afrika.
Wuxuu tilmaamay in haradani hadda qabato ilaa 74 tiriliyan oo litir oo biyo ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in magaca “Waaberi” loo doortay maadaama uu astaan u yahay waqti aan kasoo toosnay hurdo dheer, waqti cusubna la furay.
“Waaberi” micnihiisu waa goorta mugdiga dheer dhammaado, cirifka bari uu iftiin ka soo muuqdo, iyo bilowga iftiinka cusub. Waa astaan muujinaysa in iftiin cusub oo barwaaqo ah uu soo ifayo, isla markaana uu yahay waqti dhaqdhaqaaq cusub uu bilowdo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku nuuxnuuxsaday in waaberigan cusub ee haradu astaan u tahay ay muujinayso xilligii dib-u-curashada Itoobiya, taas oo aanay ahayn Itoobiya kaliya, balse adduunku uu markhaati ka yahay iyadoo lagu xaqiijinayo webiga Abbay.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya