Biya-xidheenka weyn ee Itoobiya waxa la filayaa in uu sannad walba soo saaro dakhli lagu qiyaasay hal bilyan oo doolar – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.). - ENA Af-Soomaali
Biya-xidheenka weyn ee Itoobiya waxa la filayaa in uu sannad walba soo saaro dakhli lagu qiyaasay hal bilyan oo doolar – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 27/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyey in biya-xidheenka weyn ee Itoobiya la filayo in uu sannad walba keeno dakhli gaadhaya hal bilyan oo doolar. Wuxuuna tilmaamay in mashruucani yahay mid muujinaya awoodda Itoobiya ay ku xaqiijin karto barwaaqada mustaqbalka dhow.
Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee arrimaha bulshada, Mu’aasa Tibbabaat, Diyaaqoon Daan’eel Kibret ayaa ka qaybgalay kulanka cinwaankiisu ahaa “Dhammaadka Sheekada Liidashada” oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Abaay aanu lahayn hoy balse taasi ay soo dhamaatay – taasna ay tahay qayb ka mid ah sheekada taariikheed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in biya-xidheenku aanu ku koobnayn korontada, balse uu leeyahay fursado dhaqaale oo ballaaran.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dakhligan la filayo in uu mashruuca ku bixin doono kharashkiisii muddo kooban gudaheed. Wuxuu ku baaqay in la sii wado wadajirka iyo mideynta awoodaha, lana isticmaalo si hufan khayraadka qotada dheer ee Itoobiya si ay uga faa’iideystaan jiilasha soo socda iyo dadka kale.
Waxa uu ku adkeeyay in haddii la iskaashado oo la middoobo, riyada fog ee dalka aan la gaadhi karin loo rogi karo run – biya-xidheenka weyn ee Itoobiya-na uu yahay astaan muujinaysa in barwaaqada Itoobiya dhab loo xaqiijin karo.
Wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ah in jiil aan marnaba ka tanaasulin danaha iyo danta qaranka la dhiso, isla markaana xidhiidhka derisyada lagu dhiso mabda’a faa’iidada wadaagga ah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shacabka ugu hambalyeeyay dhammaystirka biya-xidheenka weyn ee Itoobiya, isagoo ugu baaqay inay soo booqdaan taariikhdan ay sameeyeen. Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya sii wadi doonto dhismaha mashaariic waaweyn si ay riyooyinkeeda u xaqiijiso.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#BiyaXidheenkaWeynEeItoobiya
#Hidase