Itoobiya waxa ay wanaajinaysaa dhaqaalaheega iyada oo bilawday soona af-jartay mashaaricda horumarineed – Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Naaf/Nahase 26/2017 (ENA):-Itoobiya waxa ay wanaajinaysaa mawqifkeeda dhaqaale iyada oo bilawday isla markaana dhamaynaysay arrimaha muhiimka ah maalin kasta, ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (Dr.).

R/Wasaaraha ayaa waraysigiisa ku sheegay in la xaliyay dhibta wabiga Niil oo kumanaan sano caqabad ku ahaa Itoobiya.

Waxa kale uu ki yidhi waraysigiisa; Tan iyo markii Biyo xidheenka weyn ee Itoobiya uu bilaabmay inuu si buuxda u shaqeeyo, waxaa dhamaaday taariikhda liidashada ee siyaasadda Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in wabiga Niil uu ahaa caqabadii ugu weyneyd ee Itoobiya soo wajahday kumanaan sano; Midda kale waa webiga Niilka; waxa aanu xalinay caqabadii ugu waynayd; Waxa uu sidoo kale sharaxay in ay fududahay.

Waxaan aragnay in aan bilaabi karno oo dhameyn karno biyo xireenka Renaissance; shanta, tobanka iyo 15ka sano ee soo socda, waxaan bilaabi doonaa mashaariic waaweyn sida Renaissance; Shaqooyinkani waxay sidoo kale wanaajin doonaan dhaqaalahayaga, ayuu yidhi.

Shaki kuma jiro in Itoobiya ay kor u qaadayso mawqifkeeda dhaqaale iyada oo bilaabaysa oo dhammaystiraysa arrimaha muhiimka ah maalin kasta, ayuu yidhi.

#Ethiopian_News_Agency
 #somali 
#Ethiopia 
#GERD

Wakaalada Warka Itoobiya
2015