Biyo xidheenka weyn ee Itoobiya wuxuu u furnaan doonaa dadka booqanaya toddobaad ama 15 maalmood kadib

Addis Ababa; Naaf/Nahase 26/2017 (ENA):-Raysal wasaare Abiy Acmed (Dr.) ayaa tilmaamay in biyo xidheenka weyn ee itoobiya uu u furmi doono dhamaan dadka soo booqda Itoobiya todobaad ama 15 maalmood gudahood.

Ra'iisul Wasaare Abiy (Dr.) wuxuu waraysigii uu la yeeshay wasiir Dhaaneel Kibret ku sheegay in diblumaasiyadda juquraafiyadeed ee iyoobiya uu isbedelay sababtoo ah isbeddelka ku yimid dhaqanka shaqo. 

Waxa uu sheegay in biyo xidheenka weyn uusan ahayn mid dhaqaale ahaan faa’iido u leh kaliya balse uu yahay isha dhaqaale ee ugu weyn ee riyooyinka Itoobiya, isla markaana xilliga dib u soo noolaynta laga dareemayo magaalooyinkeena, beeraha, dalxiiska iyo hawlo kale.

Waxa kale oo uu xusay kororka weyn ee qurbajoogta iyo qulqulka dalxiiska.

Waxa kale oo uu tilmaamay in hal ama laba toddobaad gudahood uu biyo xidheenka weyn u furmi doono booqashooyinka dhammaan dadka Itoobiya.

Waxa uu ku dhawaaqay in la diyaariyay garoon diyaaradeed iyo in ka badan 100 guri oo casri ah.

Waxa uu sheegay in dadka soo booqda ay arki doonaan sida ay jiilkani uga gudbeen dhibaatadan qarniyo badan ku habsatay Itoobiya.


#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015