Cusbitaalka darajada koowaad ee magaalada Jigjiga oo lagu wareejiyay qalab caafimaad oo kala duwan - ENA Af-Soomaali
Cusbitaalka darajada koowaad ee magaalada Jigjiga oo lagu wareejiyay qalab caafimaad oo kala duwan

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 24/2017 (ENA): Munaasabada qalabkani lagula kala wareegayay oo ka dhacday gudaha cusbitaalka ayay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS Mudane Maxamed Ayaanle, duqa caasimada Jigjiga Inj. Shaafi Axmed, maamulka cusbitaalka, waxgarad iyo martisharaf kale.
Qalabkani oo ay deegaanka keentay hay'ada Rotary Klub oo uu hormuud ka yahay Samafale Jaamac Faarax ayaa ka kooban agab caafimaad oo muhiim ah, kaas oo ay ku jiraan lix mashiin oo ah kuwa kalyaha lagu sifeeyo, sariiro, qalabka uur-ku-jirta lagu baadho iyo qalab kale.
Mudane Maxamed Ayaanle, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa qurbojoogta ugu baaqay inay ku daydaan Samafale Jamaac Faarax, islamarkaana ay qaybqaataan dadaallada xukuumaddu ka waddo horumarinta adeegyada caafimaadka.
Dhankiisa, maareeyaha cusbitaalka darajada koowaad ee Jigjiga Dr. Maxamed Muxumed ayaa sheegay in qalabkan maanta lagu wareejiyay uu yahay mid cusbitaalka ka dabooli doona baahi weyn, islamarkaana ay rajo weyn ka qabaan inuu ka qaybqaato kor u qaadista heerka adeegyada iyo darajada cusbitaalka.
Qalabkan lagu wareejiyay cusbitaalka darajada koowaad ee Jigjiga ayaa la filayaa inuu kaalin muuqata ka qaato tayada adeegyada caafimaad ee bulshada caasimadda iyo nawaaxigeeda.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya