Dhakhaatiir Sucuudiyaani ayaa ka bilaabay Ol’ole Qalliinka Cusbitaalada Jigjiga - ENA Af-Soomaali
Dhakhaatiir Sucuudiyaani ayaa ka bilaabay Ol’ole Qalliinka Cusbitaalada Jigjiga

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 24/2017 (ENA): Maanta si rasmi ah waxaa looga bilaabay Cusbitaalka Takhasuska Sare ee Sheekh Xasan Yabare iyo Cusbitaalka Guud ee Kaaraamardha ee magaalada Jigjiga ol’ole qalliin ah oo ay fulinayaan dhakhaatiir ka yimid dalka Sucuudiga.
Ol’olahani qalliinka, oo noqonaya midkii ugu ballaadhnaa ee noociisa ah ee lagu qabto Deegaanka, ayaa dhakhaatiirtu ku fulin doonaan muddada todobaadka ah ee ay joogaan qaliimo kala duwan oo ay ka mid yihiin qalliimo guud, qalliinka maqaarka, qalliinka kaadi-mareenka, qalliinka lafaha, iyo qalliinnada lafaha caruurta.
Waxaa la filayaa in 250 ilaa 300 bukaan ay ka faa’iidaystaan adeegyada qalliinkan.
Sheekh Xasan Bare, Maareeyaha Hay’adda Amal, oo ah hay’adda soo agaasintay ol’olahan qalliinka, ayaa sheegay in ujeedada ol’olahan ay tahay in bulshada danyarta ah ee aan awoodin kharashka qalliinka iyo daawaynta ay ka faa’iideystaan adeegyada caafimaad ee bilaashka ah.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya