Safarka Horumarka iyo Barwaaqada ee Itoobiya ma istaagauo, mana hakandoonto – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Safarka Horumarka iyo Barwaaqada ee Itoobiya ma istaagauo, mana hakandoonto – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.)

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 24/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, ayaa sheegay in safarka horumarka iyo Barwaaqada ee dalka aan la joojin doonin, uuna socon doono si joogto ah.
Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay sii wadi doonto horumarkeeda dhammaan dhinacyada, isagoo fariin ku muujiyay bogagga bulshada ee uu la wadaagay shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in guud ahaan qorshaha horumarinta wadooyinka uu yahay rajo weyn oo mustaqbalka loogu talagalay, isagoo sharaxay in wajigii koowaad lagu bilaabay afar wado, halka wajigii labaad lagu kordhiyay sideed wado.
Waxaa maanta ay booqdren 12.74 km ah ee u dhexeeya Xarunta Shirarka Cusub ee Addis ilaa Garoonka Diyaaradaha VIP ee Goro, kaas oo ka kooban 29 km oo waddo lugta ah iyo 15.27 km oo waddo baaskiil lagu maro.
Waddadani waxay ka kooban tahay waddooyin baabuurta loogu talagalay, waddo cusub oo u dhexeysa Goro ilaa Garoonka Bole, horumarin ballaaran oo webiyada ku xeeran, xarumo isboorti 7 ah, goobaha baabuurta la dhigto, taksi iyo basaska, kafateeriyo, iyo adeegyo kale oo bulsho.
Dhismayaasha iyo horumarintaasi waxay kordhisay isku xirka iyo marin u helidda, waxayna dhameystirtay aasaaska horumarinta magaalooyinka.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku adkeeyay in horumarka Itoobiya uu sii socon doono dhammaan dhinacyada, safarka horumarka aan la joojin doonin, uuna hakandoonin, ayna guulaha la gaarey ka tarjumayaan fikrad cusub iyo dhaqan shaqo oo isbeddelaya.
Waxaa sidoo kale la sheegay in qayb ka mid ah magaalada ay horey u isbeddashay, halka meelaha kale ee u baahan horumarinta ay weli u diyaar garoobayaan in la horumariyo.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya