Xoojinta tayada iyo iskaashiga ganacsi ee Itoobiya ayaa fursado cusub oo maalgashi iyo ganacsi abuuray

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 24/2017 (ENA): Wasiirka Ganacsiga iyo Iskuxidhka Goblka, Dr. Kaasaahun Gofe, ayaa sheegay in xoojinta tayada iyo fulinta heshiisyada ganacsi ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah ay abuurtay jawi wanaagsan oo loogu dhiirrigelinayo ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasilaase ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Ganacsiga Qaranka “Iibso agabka Itoobiya” kaas oo socon doona 6 maalmood, halkaas oo lagu soo bandhigayo alaabo tayo leh iyo suuqyo kala duwan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in xoojinta hay’adaha iyo awooddooda ay tahay saldhig weyn oo horumar iyo guul u horseedi kara Itoobiya, iyadoo la hirgelinayo nidaamyo casri ah, fudud, la tartami kara, isla markaana cadaalad ku dhisan, si dalka uga faa’iidaysto fursadaha ganacsi ee jira.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu hagaajinayo tayada, habraacyada, iyo nidaamyada ganacsiga la qaaday, si loo hubiyo in badeecooyinka aasaasiga ah sida shidaalka, sibidhka, iyo cusbada ay si habboon suuqa ugu jiraan, lana helo qiimo iyo adeeg wanaagsan.

Intaa waxaa dheer, Wasiirku wuxuu sheegay in Iskaashiga iyo wadashaqeynta caalamiga ah ee Itoobiya ay horseed u tahay horumar dhaqaale, iyadoo dalka ka faa’iideysanayo heshiisyada ganacsi ee Afrika iyo kuwa caalamiga ah, isla markaana la diyaarinayo istiraatiijiyad qaran oo kor u qaadaysa wax soo saarka iyo dhoofinta.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015