Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasilaase ayaa furay Bandhigga Ganacsiga Qaranka “Iibso agabka Itoobiya”

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 24/2017 (ENA): Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasilaase ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Ganacsiga Qaranka “Iibso agabka Itoobiya”.

Bandhiggan ganacsi ee “Iibso agabka Itoobiya” 2017 ayaa ka dhacaya 24 ilaa 29 Naaf/Nahase 2017, waxaana uu soconayaa 6 maalmood oo xiriir ah.


 

Bandhigga waxaa soo agaasimay Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobalka, waxaana lagu soo bandhigayaa alaabooyin tayo leh oo dalka ah, oo lagu soo bandhigi doono meherado iyo suuqyo kala duwan.

Madaxweyne Taaye Asqasilaase, ayaa ka qaybgalay furitaanka bandhiggan, isagoo sidoo kale booqday alaabihii qaranka ee ka soo qaybgalay bandhigga ee ka yimid deegaannada dalka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015