Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa hoggaankiisa wanaagsan ka dhigay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya uu miro dhalo – Araggawi Berhe (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa hoggaankiisa wanaagsan ka dhigay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya uu miro dhalo – Araggawi Berhe (Dr.)

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 24/2017 (ENA): Dr. Araggawi Berhe, oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Isku-duwidda Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya, ayaa sheegay in hoggaanka wanaagsan ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu suurto geliyey in mashruuca uu miro dhalo.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo dhawaan khudbad ka hor jeediyey Golaha Wakiillada, ayaa xusay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya uu tusaale u noqotay in Itoobiya ay wax qaban karto isla markaana ay tahay meel lagu saxay khaladaadkii hore. Waxa kale oo uu sheegay in biyo-xidheenku gebi ahaanba dhamaaday isla markaana dhawaan xadhiga laga jari doono.
Dr. Araggawi oo la hadlay wakaaladda wararka Itoobiya ayaa sheegay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya uu beddelay dareenkii niyad-jabka, isla markaana uu u noqday jawaab lagu muujiyey rabitaanka horumar ee shacabka Itoobiya.
Isagoo xusay in mashruuca laga bilaabay isbedelkii kahor , ayaa tilmaamay in dhammaystirka iyo miro-dhalintiisuna ay noqotay mas’uuliyad kale oo ay tahay in la guddo. Waxa kale oo uu caddeeyey in kahor isbedelkii dowladeed mashruucu uu la kulmay dhibaatooyin iyo maamul-xumo, balse hoggaanka Ra’iisul Wasaare Abiy uu bixiyey xal iyo dhiirigelin.
Waxa uu intaas ku daray in dadaallada la bixiyey kadib isbedelka dowladeed iyo kormeerka joogtada ah ay suurto geliyeen in mashruucu si hufan u socdo oo uu miro dhasho. Sidaas darteedna waxa uu sheegay in hoggaanka dowladda isbeddelka lagu amaani karo guushaas.
Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya waxaa loo arkaa mashruuc weyn oo kor u qaadaya karaamada Itoobiya isla markaana wax weyn ka taraya horumarka dalka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya