Mashruuca Dhismaha Warshadda Bacriminta ayaa Dedejin doona Kobaca Dhaqaalaha Itoobiya – Axmed Shide

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 22/2017 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa sheegay in mashruuca dhismaha warshadda bacriminta uu door muhiim ah ka ciyaari doono dardargelinta kobaca dhaqaalaha dalka.

Mashruucan, oo ay iska kaashanayaan Ethiopia Investment Holding iyo Dangote Group, ayaa waxaa heshiiskiisa dhismaha lagu kala saxiixday goob uu ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr). Qiimaha lagu dhisayo warshaddan ayaa gaaraya 2.5 bilyan oo doolar.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) ayaa farriin uu ku baahiyey baraha bulshada ku sheegay in mashruucan cusub uu yahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sugnaanta cuntada iyo isbeddelka beeraha, isla markaana uu farxad u yahay dhammaan shacabka Itoobiya.

Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa xusay in heshiiskan dhismaha uu si weyn u taageeri doono horumarinta beeraha, iyadoo Itoobiya ay iska yareyn doonto bacriminta ay lacag badan ku soo dhoofsato dibedda, taas oo badbaadin doonta lacagta qalaad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mashruucan uu taageeri doono horumarinta beeraha, warshadaha iyo khayraadka macdanta, isla markaana uu door mug leh ku yeelan doono kobcinta dhaqaalaha.

Warshaddan ayaa sidoo kale abuuraysa shaqooyin badan, waxayna horumar ku soo kordhin doontaa deegaanka ay ka dhismi doonto, sida uu wasiirku tilmaamay.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay guul cusub oo ay shacabka Itoobiya ugu diyaar garoobayaan sannadka cusub, isagoo ku tilmaamay bishaaro weyn.

Wuxuu intaas ku daray in sida Wabiga Niilka laga dhisay Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo dhowaan la filayo in la la xadhigjaro, warshaddan bacrimintuna loo aqoonsan doono hiddo-wadareedkii horumarka labaad ee Itoobiya.

Warshaddan cusub ayaa ka dhigi doonta Itoobiya xarun muhiim ah oo gobolka u ah soo saarista iyo qeybinta bacriminta.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015