Dhammaystirka biyo-xireenka weyn ee dib-u-soo-kicinta Itoobiya wuxuu caddeyn u yahay in Afrikaan ay hantidooda si iskood ah u horumarin karaan uguna faa’iideysan karaan

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 22/2017 (ENA): Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Nebiyat Getaajew, ayaa sheegay in dhammaystirka Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu caddeynayo in dadka Afrika ay awoodaan inay si madax-bannaan u horumariyaan hantidooda uguna adeegaan dantooda.

Danjire Nebiyaat, oo ka hadlay arrimo diblomaasiyadeed oo waqtigan taagan, ayaa tilmaamay in biyo-xireenkaasi uu yahay mashruuc qaran oo weyn oo xoojinaya madax-bannaanida Itoobiya.

Isagoo sii hadlayay wuxuu xusay in qarniyadan cusub aysan jirin meel loogu talagalay aragtida gumaysiga, isla markaana Itoobiya ay si joogto ah uga shaqeyneyso xoojinta heshiiska wadajirka ah ee ku saabsan wadaagista kheyraadka Webiga Nile.

Waxa uu sheegay in dhammaystirka mashruucan uu muujinayo in dadka Afrika ay si kaligood ah ugu shaqaysan karaan kana faa’iideysan karaan khayraadkooda, isla markaana uu yahay mashruuc mega ah oo ka faa’iideynaya dalalka kale ee Afrika, marka laga soo tago Itoobiya iyo dalalka deriska ah.

Afhayeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay leedahay mowqif adag oo ah in khayraadka wadajirka ah loo adeegsado si caddaalad iyo wadajir ah, iyadoo biyo-xireenka GERD uu tusaale u yahay arrintaas.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay diyaar garoobeyso inay martigeliso shirarka waaweyn ee Afrika sida kan African Caribbean Community iyo shirkii labaad ee isbeddelka cimilada ee Afrika. Waxa uu intaas ku daray in in ka badan 25,000 oo ka-qaybgalayaal ay ka soo qeyb geli doonaan shirkan, isla markaana uu noqon doono madal ay Afrikaan si wadajir ah uga wada hadlaan xalalka Afrika u gaarka ah ee lagu wajahayo saameynta isbeddelka cimilada.

Waxaa kale oo uu sheegay in Afrika ay ka qaybqaadan doonto shirweynaha 30-aad ee caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee ka dhici doona Brazil, iyadoo ay Itoobiya u gogol xaarayso ajandayaal muhiim ah oo ay Afrika ku yeelan doonto cod mideysan.

Sidoo kale, Danjiruhu wuxuu xusay in xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca maaliyadda ay muhiim u tahay, isagoo sheegay in Itoobiya ay la imaan doonto qorshe hoggaamineed oo ay ku hormarineyso ajandaha Afrika.

Isagoo sii hadlayay, waxa uu intaas ku daray in guulaha iyo tallaabooyinka ay Itoobiya qaaday ee ku aaddan la qabsiga iyo ka hortagga saameynta isbeddelka cimilada lagu soo bandhigi doono fagaarayaasha caalamiga ah.

Shir kale oo Itoobiya martigelin doonto ayaa ah shir ay yeeshaan Afrikaanka iyo Caribbean-ka, kaas oo ku socda hal-ku-dhigga “Xoojinta Iskaashiga Qaran ee loogu talagalay Cadaaladda Qaybsiga iyo Sinnaanta dadka Afrikaanka iyo asal ahaan Afrikaanka ah.”

Waxaa la sheegay in shirkan uu fursad siin doono waddamada Afrika iyo kuwa Caribbean-ka inay xoojiyaan iskaashiga dhinaca South-South cooperation, isla markaana ay u gudbaan xiriir xooggan oo dhinaca dhaqaalaha diblomaasiyadda ah.

Danjiruhu waxa uu sheegay in shirkan lagu falanqeyn doono arrimo badan oo ay wadaagaan labada dhinac sida maamulka nidaamka maaliyadda caalamiga ah, dalxiiska, ganacsiga, maalgashiga iyo hal-abuurka tiknoolajiyada.

Sidoo kale, Itoobiya waxa ay dooneysaa inay ka faa’iideysato fursadaha maalgashi ee ka dhalanaya dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyadoo ka qaybgalayaasha Caribbean-ka loo soo bandhigi doono suurtagalnimada maalgashi ee ka jira dalka.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015