Warshadda Soo Saarista Bacriminta Dhirta ayaa lagu dhammaystiri doonaa 40 Bilood Gudahood – Dr. Brook Taye

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 22/2017 (ENA): Agaasimaha Guud ee Ethiopia Investment Holding, Dr. Brook Taye, ayaa sheegay in warshadda bacriminta dhirta ee lagu dhisayo iskaashiga Ethiopia Investment Holding iyo Dangote Group lagu qorsheeyay in lagu dhammaystiro muddo 40 bilood gudahood ah.

Mashruucan oo ku kacaya 2.5 bilyan oo doolar ayaa ah warshad soo saari doonta saddex milyan oo tan oo urea ah sanadkii, taas oo wax weyn ku kordhin doonta wax-soo-saarka beeraha dalka.

Dr. Brook Taye ayaa sharaxay in Ethiopia Investment Holding uu leeyahay 40% saamiga mashruuca, halka Dangote Group uu leeyahay 60%. Waxa uu intaas ku daray in mashruuca la adeegsan doono khayraadka dabiiciga ah ee Itoobiya, iyadoo la dhisi doono dhuun gaas dabiici ah oo dhererkeedu yahay 109 km, kaas oo ka iman doona keydka Kalub iyo Hilala laguna gaarsiin doono magaalada Goday ee gobolka Soomaalida halkaas oo warshaddu laga dhisi doono.

Waxaa kale oo uu xusay in Dangote Group uu hore ugu lahaa khibrad dhismaha warshado waaweyn, isla markaana mashruucan si buuxda loogu qorsheeyay in lagu dhammeeyo 40 bilood gudahood.

Bacriminta waxa ugu muhiimsan ee lagu farsameeyo waa gaaska dabiiciga ah. Sida uu sheegay Dr. Brook Taye, gaaskan dabiiciga ah waxaa laga soo saari doonaa Kalub iyo Hilala, waxaana dhuunta gaaska ah ee la dhisayo ay gaadhi doontaa Goday, halkaas oo warshadda bacrimintu laga dhisi doono.

Waxa kale oo uu sheegay in gaaska dabiiciga ah lagu adeegsan karo wax-soo-saar kale, sidaa darteed waxaa qorshuhu yahay in Goday laga hirgeliyo warshadaha petrochemical ee Itoobiya si loo ballaariyo isticmaalka gaaska dabiiciga ah iyo warshadaha la xiriira.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015