Itoobiya Door Hogaamineed ayey ka Qaadanaysaa Ilaalinta Danaha Qaranka iyo Qaaradda iyadoo Martigelinaysa Shirarka Cimilada Afrika iyo Afrika-Karibiyaanka - ENA Af-Soomaali
Itoobiya Door Hogaamineed ayey ka Qaadanaysaa Ilaalinta Danaha Qaranka iyo Qaaradda iyadoo Martigelinaysa Shirarka Cimilada Afrika iyo Afrika-Karibiyaanka

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 22/2017 (ENA): Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Nabiyaat Geetaajaw, ayaa sheegay in Itoobiya ay doorka hoggaamineed ka ciyaari doonto martigelinta shirarka ku saabsan Cimilada Afrika iyo Afrika-Karibiyaanka, iyadoo soo bandhigaysa ajandayaal ilaalinaya danaha qaran iyo qaaradeed.
Danjire Nabiyaat oo warbixin ka bixiyay arrimaha diblomaasiyadda ee socda ayaa sheegay in Itoobiya ay si guul leh ugu diyaar garoobeyso martigelinta Bulshada Afrika-Karibiyaanka iyo Shirweynaha labaad ee Isbeddelka Cimilada ee Afrika, kaasoo xiriir la leh Shirweynaha 30-aad ee Cimilada ee Adduunka ee lagu qaban doono Braasiil, isla markaana Afrika u abuuri doona fursad ay cod mideysan ku yeelato.
Shirka Addis Ababa ka dhici doona waxaa ka qeyb geli doona in ka badan 25,000 oo ka-qeybgaleyaal ah, waxaana la sheegay inuu noqon doono madal ay Afrikaanku ku mideeyaan istaraatiijiyad wadajir ah oo lagula tacaalo saameynta isbeddelka cimilada, isla markaana lagu soo jiito maalgelin caalami ah oo ka hortagta saamayntaasi.
Waxaa sidoo kale lagu tilmaamay in Itoobiya ay hoggaamiye ku noqon doonto soo jeedinta ajandayaasha qaranka iyo qaaradda, isla markaana ay waayo-aragnimadeeda ku aaddan ka hortagga isbeddelka cimilada dunida la wadaagi doonto.
Dhanka kale, Shirweynaha Afrika-Karibiyaanka oo lagu qabanayo Addis Ababa waxaa lagu qaban doonaa hal-ku-dhigga “Iskaashi Caddaalad ah oo Horumarinaya Afrikaanka iyo Jinsiyadda Afro-Caribbean-ka”, waxaana looga dan leeyahay in cod mideysan la maqashiiyo. Shirkan ayaa lagu sheegay inuu xoojin doono iskaashiga Koonfur-Koonfur, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dalxiiska, tiknoolajiyadda casriga ah, iyo maalgelinta, iyadoo sidoo kale maalqabeenada Karibiyaanka lagu dhiirri-gelin doono inay maalgelin ku sameeyaan Itoobiya.
Danjire Nabiyaat ayaa intaas ku daray in Mashruuca Wabiga Niilka ee Itoobiya (GERD) uu yahay mashaariicda waaweyn ee kobcinaya madaxbannaanida iyo horumarka dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in Itoobiya aysan boos uga bannaaneyn fikirada gumaysiga, balse ay leedahay dan adag oo ku dhisan horumar iyo wadajirin.
Sidoo kale, waxa uu xusay in farriin khaas ah oo ka timid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.) loo gudbiyay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salfa Kiir Mayardit, taasoo xoojineysa xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta dhinacyada tamarta, duulista, wadooyinka iyo mashaariic kale oo horumarineed.
Arrintan, ayuu yidhi, waxay muujinaysaa go’aanka iyo tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee Itoobiya ay ku muujinayso ka go’naanta horumarka iyo iskaashiga.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya