9 qof ayaa ku dhintay dhul-go' ka dhacday degmada Raaba ee gobolka Gedhiyo - ENA Af-Soomaali
9 qof ayaa ku dhintay dhul-go' ka dhacday degmada Raaba ee gobolka Gedhiyo

Addis Ababa; Naaf/Nahase 22/2017 (ENA): Taliska Booliska ee Gobolka Gedhiyo ayaa sheegay in 9 qof ay ku dhinteen dhul go’ ka dhacay qabalayaasha Jaraka iyo Haro oo ka tirsan degmada Raabe ee gobolka Gedhiyo, kaddib roobab xooggan oo shalay abaaro 5-tii galabnimo ka da’ay.
Taliyaha Bilayska ee Gobolka Gedhiyo, Biru Marqos ayaa EBC u sheegay in Roobab mahiigaan ah oo baraf ku darsaday shalay fiidkii ayaa sababay shilkan.
9-ka qof ee ku dhintay isbuurashada ayaa 6 ka mid ah ay ahaayeen rag halka 3-da kalena ay ahaayeen dumar.
Sidoo kale uu sheegay in ay shacabka ku nool gobolkaas ay ka digtoonaadaan shilalkan oo kale maadaama gobolkaas uu yahay mid u nugul dhul go’a.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya