Wafdi uu hogaaminayo mudane Axmed Shide ayaa dhambaal uu ka siday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) gaarsiiyey Madaxweynaha Koonfurta Suudaan

Addis Ababa; Naaf/Nahase 21/2017 (ENA): Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda, Mudane Axmed Shide, ayaa dhambaal uu ka siday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) waxa uu u diray Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salfa Kiir Mayardit.

Wafdiga heerka sare ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa ka mid ah La-taliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Girma Biru iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Abiy (Dr.) ayaa sida ay uga go’an tahay inuu sii jiro xiriirka taariikhiga ah ee adag ee u dhexeeya Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan, ayuu yiri mudane Axmed Shide.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Itoobiya ay ka go’an tahay in ay ka shaqeyso iskaashi dhaqaale oo xaqiijin kara faa’iidada guud ee shacabka labada dal.

Madaxweyne Salfa Kiir ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxweynaha dhambaalka uu u soo diray, wuxuuna sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka fog ee labada dal.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhaqaalaha, iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha waddooyinka, gudbinta korontada iyo kaabayaasha isgaarsiinta.

Waxaa la sheegay in Bangiga Ganacsiga Itoobiya iyo Hay’adaha Maaliyadda ee Koonfurta Suudaan ay iska kaashan doonaan kor u qaadista iskaashiga iyo horumarinta Bangiyada labada dal.

#Itoobiya
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Bariga_Afrika

Wakaalada Warka Itoobiya
2015