Shirkan ayaa ah mid ay Itoobiya khibradeeda ku aaddan ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo barnaamijyada raadka cagaaran kula wadaagi doonto dalalka kale - ENA Af-Soomaali
Shirkan ayaa ah mid ay Itoobiya khibradeeda ku aaddan ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo barnaamijyada raadka cagaaran kula wadaagi doonto dalalka kale

Addis Ababa; Naaf/Nahase 21/2017 (ENA): Shirweynihii labaad ee Cimilada Afrika ayaa noqon doona shir ay itoobiya kula wadaagi doonto khibradeeda ku aaddan ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo barnaamijyada raadka cagaaran ee ay Itoobiya fulinayso si ay ula dagaallanto isbeddelka cimilada.
Itoobiya ayaa martigelin doonta shirkii labaad ee cimilada Afrika laga bilaabo Baagume 3 ilaa 5, 2017 T.I.
Mudane Fanose Mekonen, oo ah madaxa fulinta ee horumarinta khayraadka dabiiciga ah, ilaalinta iyo ka faa'iidaysiga ee Wasaaradda Beeraha iyo Xoghayaha Guddiga Farsamada Qaranka ee Barnaamijka raadka Cagaaran, ayaa sheegay in Itoobiya ay wadaa hawlo badan oo lagula dagaalamayo isbedelka cimilada.
Dhanka ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ayuu sheegay in in ka badan 33 milyan oo hektar lagu soo celiyay howlo lagu badbaadinayo carrada iyo biyaha iyadoo la isku xirayo bulshada.
Waxa uu tilmaamay in Barnaamijka raadka Cagaaran uu hoos u dhigay nabaad-guurka ciidda, islamarkaana uu kordhay wax-soo-saarka.
Mansur Dessie, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Ilaalinta Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Iskaashiga Istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta, ayaa sheegay in la dhaqan gelinayo siyaasado iyo istaraatiijiyad lagula tacaalayo isbeddelka cimilada.
Waxa uu sheegay in Raadka Cagaaran, Tamarta la cusboonaysiin karo, Gaadiidka iyo qaybaha kale ee horumarinta cagaaran ay keeneen natiijooyin la taaban karo oo lagu dhisayo dhaqaale u adkaysta cimilada.
Masuuliyiintan ayaa intaa ku daray in shaqada ay Itoobiya ka waddo Raadka Cagaaran ay xoojinayso iskaashiga horumarineed ee ay la leedahay wadamada jaarka ah.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya