Heshiis is afgarad ah oo lagu mataanaynayay magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti ayaa lagu qabtay caasimada Deegaanka Soomaalida ee magaalada Jigjiga

Addis Ababa; Naaf/Nahase 21/2017 (ENA): Heshiis is afgarad ah oo lagu mataanaynayay magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti ayaa lagu qabtay caasimada Deegaanka Soomaalida ee magaalada Jigjiga. 

Heshiiskan mataanaynta iyo walaalaynta labada magaalo ee Jigjiga iyo Jabuuti oo ay kasoo qaybgaleen Duqa Maamulka Magaalada Jigjiga Eng. Shaafi Axmed Macalin iyo Duqa Magaalada Jabuuti Mudane Siciid Daa'uud Maxamed ayaa ujeedada kulankan uu ahaa kor uqaadida xidhiidhka ka dhexeeya labadan magaalo ee dhanka ganacsiga iyo is dhexgalka bulshada labada dhinac ku kala nool.


 

Haddaba, munaasabadda lagu kala saxeexday heshiiskan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socotay magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti, gudoomiyaha gobolka Faafan Mudane Khadar Axmednuur iyo martisharaf kala duwan ayaa waxaa ahmiyada heshiiskan faahfaahiyay duqa maamulka magaalada Jigjiga Eng. Shaafi Axmed Macalin oo sheegay in fursadaha maalgashi iyo kuwa ganacsiguba ay ufaran yihiin cidii danaynaysa inay ka faa'iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Deegaanka Soomaalida. 

Sidoo kalena Duqa Magaalada Jabuuti Mudane Siciid Daa'uud Maxamed ayaa sheegay in magaalada Jigjiga ay tahay astaanta dhaqanka Soomaalida iyo goobta lagu xaliyo khilaafaadka iyo isku dhacyada bulshada Soomaaliyeed.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015