Ururka Isgaadhsiinta Bariga Afrika oo shir ku leh Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Ururka Isgaadhsiinta Bariga Afrika oo shir ku leh Addis Ababa

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 21/2017 (ENA): Shirkii 15aad ee sannadlaha ah ee Ururka Isgaadhsiinta Bariga Afrika ayaa ka socda magaalada Addis Ababa.
Shirka oo lagu qabtay xuska guusha Adhwa waxa uu ku socdaa hal-ku-dhagga “Warbaahinta iyo Isgaadhsiinta Midnimada Afrika.”
Waxaa goobta ka qayb galay Wasiirka Adeegyada Xidhiidhka Dowladda Itoobiya Dr. Lagaase Tulu, Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Itoobiya Dr. Saamson Mekonnen, Madaxweynaha Jaamacadda Addis Ababa Dr. Saamu’eel Kifle, iyo Madaxweynaha Ururka Isgaadhsiinta Bariga Afrika Br. Margaret Juko.
Sidoo kale, waxa ka qayb galay khubaro jaamacadeed oo ka kala yimid dalalka xubnaha ka ah ururka, suxufiyiin, cilmi-baarayaal iyo la-hawlgalayaasha kale.
Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxaa soo qabanqaabiyay Jaamacadda Addis Ababa iyada oo kaashanaysa hay’ado kala duwan oo ay wada shaqayn leeyihiin.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya