Itoobiya waxay ku dadaalaysaa in ay xoojiso xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee ay la leedahay Switzerland iyo Malta - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay ku dadaalaysaa in ay xoojiso xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee ay la leedahay Switzerland iyo Malta

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 21/2017 (ENA): Madaxweynaha Itoobiya, Taaye Asqasilaase, ayaa sheegay in Itoobiya ay si dhow uga shaqayn doonto adkaynta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee ay la leedahay Switzerland iyo Malta.
Madaxweyne Taye ayaa sagootiyey Safiirka Switzerland ee Itoobiya, Tamara Mona, iyo Safiirka Malta, Ronald Mikallef, oo muddadoodii shaqo dhamaatay, isaga oo uga mahadceliyey doorkii ay ka qaateen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo midka badan ee ay la lahaayeen Itoobiya.
Madaxweynuhu, gaar ahaan intii uu la hadlayay Safiirka Switzerland, wuxuu xusay in xiriirka labada dal uu muddo dheer soo jireen ahaa isla markaana uu si joogto ah u kobcayay, iyada oo la xoojinayo booqashooyinka rasmiga ah iyo wada tashiyada siyaasadeed ee ka dhexeeya mas’uuliyiinta sare.
Dhanka kale, waxaa la sheegay in Malta ay dhowaan safaaraddeeda ka furi doonto Addis Ababa, taas oo muujinaysa go’aankeeda ku aaddan dhisidda iskaashi xooggan oo ay la yeelato Itoobiya. Waxa kale oo la tilmaamay in iskaashigu uu gaar ahaan ku xoogaysan doono dhinacyada waxbarashada iyo dhaqanka.
Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Abraham Mengistu, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirka sii kobcaya uu si gaar ah diiradda u saari doono dhanka dhaqaalaha.
Safiirkii Switzerland, Tamara Mona, ayaa dhankeeda sheegtay in dalkeedu uu xiriir adag la leeyahay Itoobiya, isla markaana ay qaadeen talaabooyin wax ku ool ah oo lagu sii xoojinayo. Waxay carrabka ku adkaysay in Switzerland ay qorshaynayso mashaariic cusub oo sii xoojin doona xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Itoobiya iyo guud ahaan Afrika.
Sidoo kale, waxay xustay in fursado badan oo lagu horumarin karo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ay jiraan, isla markaana Switzerland ay qorshaynayso in ay si dhow uga shaqeyso arrimahaasi.
Dhanka kale, Safiirka Malta ee Itoobiya, Ronald Mikallef, ayaa sheegay in Malta ay go’aansatay in ay safaarad ka furto Addis Ababa, taas oo fududayn doonta in la xoojiyo xiriirka labada dal.
Ugu dambeyn, labada safiir ayaa caddeeyay in xiriirka Itoobiya uu sii xoogeysan doono, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo xiriirka bulshada.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya