Jaamacadaha Gaarka ah ee Sare waa inay buuxiyaan shuruudaha tayada – Brofessor Birhanu - ENA Af-Soomaali
Jaamacadaha Gaarka ah ee Sare waa inay buuxiyaan shuruudaha tayada – Brofessor Birhanu

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 20/2017 (ENA): Brofessor Birhanu Nega, Wasiirka Waxbarashada, ayaa sheegay in jaamacadaha gaarka ah ee sare ay tahay inay marka dib loo diiwaangelinayo buuxiyaan shuruudaha lagama maarmaanka u ah tayada waxbarashada.
Wasiirka Waxbarashada iyo mas’uuliyiinta hay’adaha tababarka waxbarashada ayaa kulan la yeeshay jaamacadaha gaarka ah ee sare ee ku saabsan warbixinta fulinta dib-u-diiwaangelinta.
Natiijada dib-u-diiwaangelinta jaamacadaha gaarka ah ee ku yaalla magaalada Addis Ababa ayaa la shaaciyey, iyadoo lagu qiimeeyey shuruudo ay ka mid yihiin: shati sharci, rukhsadda ganacsi, nidaamka maamulka, tayada macallimiinta iyo awoodda shaqaalaha, xaaladda dhismaha iyo goobta waxbarashada, casriyaynta macluumaadka, iyo shuruudo kale oo muhiim ah.
Wasiirka Waxbarashada Brofessor Birhanu ayaa ku adkeeyay in dib-u-diiwaangelintu ay fursad u tahay in jaamacaduhu buuxiyaan shuruudaha tayada, iyadoo dowladda ay diiradda saarayso hubinta tayada waxbarashada iyo horumarinta awooda shaqaalaha aqoonta leh.
Waxaa la xusay in jaamacadaha gaarka ah ay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarinta awooda shaqaalaha, balse kuwa aan buuxin shuruudaha tayada ay ka saari doonaan nidaamka waxbarashada. Sidaas darteed, jaamacaduhu waa inay diiradda saaraan tayada waxbarashada, halkii ay ka raadin lahaayeen kaliya faa’iido dhaqaale.
Dhammaan jaamacadaha waa inay ku qoraan dhammaan xogtooda nidaamka diiwaangelinta, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo kuwa aan buuxin shuruudaha. Waxa sidoo kale la dejiyey xilliga kama dambaysta ah ee lagu buuxinayo shuruudaha, kaasoo u dhexeeya lix bilood ilaa hal sano.
Ugu dambayntii, Ururka Jaamacadaha Gaarka ah ee Itoobiya ayaa xaqiijiyey in dhammaan jaamacadaha ka qayb galaya dib-u-diiwaangelinta ay diyaar u yihiin inay si buuxda u diyaariyaan dukumentiyadooda lagama maarmaanka ah.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya