Luusi iyo Salaam oo ku sugan Bartamaha Yurub – Magaaladda Brague ee Jamhuuriyadda Jek

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 20/2017 (ENA):  Luusi iyo Salaam ayaa maanta booqasho loogu tegay magaalada Brague ee Jamhuuriyadda Jek oo ku taalla bartamaha Yurub.

Xafladda rasmiga ah ee lagu furay bandhiggan waxa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Jek, Beter Fiyala, iyo Wasiirka Dalxiiska Itoobiya, Selamawit Kaasa.

Wasiirka Dalxiiska Selamawit Kaasa, oo khudbad ka jeedisay bandhigga, waxay sheegtay in imaatinka Luusi iyo Salaam ee Jek uu yahay fursad qiime leh oo gaar ah, gaar ahaan dadka danaynaya taariikhda.


 

Waxay sidoo kale xustay in Luusi iyo Salaam ay fursad u noqonayaan in la soo bandhigo Itoobiya cusub oo soo koraysa. Wasiiraddu waxay ku boorrisay dadweynaha inay yimaadaan Itoobiya oo ay soo booqdaan.

Ra’iisul Wasaaraha Jek, Beter Fiyala, ayaa dhankiisa sheegay in bandhiggani yahay mid diyaargarow balaadhan loo galay maadaama uu muujinayo taariikhda aadanaha. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Luusi iyo Salaam ay carruurta baraan halka uu aadanuhu ka yimid iyo taariikhda nolosha.


 

Agaasimaha Matxafka Qaranka ee Jek, Dr. Mikael Lukas, ayaa sheegay in bandhiggan uu door weyn ka ciyaarayo xoojinta xiriirka labada dal, isagoo ku mahadnaqay Itoobiya sida ay fursaddan dahabiga ah u siisay Jek.

Bandhiggan ka socda Matxafka Qaranka ee Jek ayaa la sheegay inuu socon doono muddo 60 maalmood.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015