Midowga Afrika iyo Jaabaan ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dhinac. - ENA Af-Soomaali
Midowga Afrika iyo Jaabaan ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dhinac.

Addis Ababa; Naaf/Nahase 18/2017 (ENA): Midowga Afrika iyo Jaabaan ayaa ku dhawaaqay inay iska kaashanayaan sii xoojinta iskaashigooda istiraatiijiyadeed.
Magaalada Yokohama waxaa lagu qabtay shirkii 9-aad ee Madasha Horumarinta Afrika (TICAD) ee Jaabaan iyo Midowga Afrika.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa wada-hadallo la yeeshay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Jaabaan (JICA), Dr. Akihiko Tanaka.
Guddoomiyaha Guddiga ayaa bogaadiyay iskaashiga istiraatijiyadeed ee JICA ay la leedahay Midowga Afrika iyo maalgashiga joogtada ah ee ay ku sameynayaan qeybaha muhiimka ah ee Afrika, oo ay ku jiraan dhaqaalaha iyo bulshada.
Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Midowga Afrika iyo Jaabaan.
Waxay kaloo carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in Madasha sagaalaad ee TICAD loo wareejiyo weji si wadajir ah loo abuurayo isbeddel dhaqaale oo waara.
Madashan oo soo socotay tan iyo 14-kii Naaf/Nahase 2017 ayaa maanta la soo gebagebeynayaa iyadoo laga soo saaray go’aamo kala duwan, xogta ay ENA ka heshay Midowga Afrika.
#Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya
#Djibouti
#Itoobiya