Waxaa lasoo gunaanaday tababarkii hoggaaminta sare ee Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida - ENA Af-Soomaali
Waxaa lasoo gunaanaday tababarkii hoggaaminta sare ee Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 15/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa soo xidhay tabbabarka geeddi socodka isbaddelka iyo hiigsiga mustaqbalka oo maalmihii u danbeeyay loo hayay hoggaaminta sare ee Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida.
Tabbabarkan oo halku-dheggiisu ahaa "Itoobiya oo noqota dal ku dayasho mudan" ayaa diirada lagu saarayay waxqabadkii Xisbiga u qabsoomay ee dhanka horumarka, maamuul wanaagga iyo qorshayaasha sanadka 2018T.I sidii looga midha'dhalin lahaa.
Intii uu tabbabarku socday dooddo iyo afkaaro ay wadaageen hoggaamintu ayaa lagu lafo'guray meelaha ay tahay in ka Xisbi ahaan xoogga la saaro sanadkan. Waxa ayna hoggaaminta sare ka jawaab celiyeen su'aalo iyo talo'bixinno kasoo baxay guriga.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Inj. Maxammed Shaale Isaaq, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya