Harar oo leh taariikh ilbaxnimo oo jiil iyo waayo soo taxnayd, waxa kale oo ay caan ku tahay raadka cagaaran – Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Harar oo leh taariikh ilbaxnimo oo jiil iyo waayo soo taxnayd, waxa kale oo ay caan ku tahay raadka cagaaran – Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh

Addis Ababa; Naaf/Nahase 15/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh ayaa sheegay in Magaalada Harar oo leh taariikh ilbaxnimo oo soo jireen ah fac iyo waaya badan ayaa caan ku ah raadka cagaaran.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ku sheegay in maanta uu dhigay raadkiisa cagaarn degmada Harar Dire Tiyara.
Waxa kale oo uu xusay in jiilkani ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta qiimaha taariikheed ee ay leedahay iyo Harar cagaaran oo hadda ka socdo horumar dhaqaale oo soo noolaynaya, dalxiiska iyo guud ahaanba magaalada.
Waxa uu dhambaalkiisa ku sheegay in Harar aan laga dhigin magaalo taariikh iyo hidde leh kaliya, balse laga dhigo madxafka horumarinta cagaaran.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan barnaamijka raadka cagaaran ee heer qaran lagu beeray dhir faa’iidooyin badan leh.
Waxa kale oo uu ku nuux-nuux saday in dhammaan loo baahan yahay in si wadajir ah loo beero dhirta kadibna la daryeelo.
#Itoobiya
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya