Pakistan waxay uga mahadcelisay Itoobiya taageerada ay siisay in ay noqoto xubin ku-meelgaar ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay - ENA Af-Soomaali
Pakistan waxay uga mahadcelisay Itoobiya taageerada ay siisay in ay noqoto xubin ku-meelgaar ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 14/2017 (ENA): Pakistan ayaa dhowaan uga mahadcelisay Itoobiya taageeradii ay siisay si ay u noqoto xubin ku-meelgaar ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Pakistan ahna Ra’iisul Wasaarihii hore Yuusuf Rasa Gilani ayaa la kulmay wafti dhalinyaro Itoobiyaan ah oo booqasho shaqo ugu tegay dalkiisa si ay uga wada hadlaan Barnaamijka Raadka Cagaaran.
Waftiga dhalinyarada ah ayaa dowladda Itoobiya uga mahadceliyey fursadda ay heleen ee ah inay la wadaagaan Pakistan khibradda ku saabsan hirgelinta Barnaamijka Raadka Cagaaran, taas oo sidoo kale gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Pakistan ayaa sheegay in taageeradii Itoobiya ee doorashada dalkiisu uu ku helay xubinimada ku-meelgaarka ah ee Golaha Amaanka ay muujisay ballan-qaadka Itoobiya ee ah in ay kor u qaaddo iskaashiga caalamiga ah. Wuxuuna xusay in Pakistan ay doonayso in ay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Itoobiya ka dhisto heer istaraatiiji ah oo Afrika dhan gaadha.
Safaaradda Pakistan ee Itoobiya Danjire Jamal Bakar (Dr.) ayaa shaacisay in Pakistan ay ka qaybgal doonto shirweynaha Afrika ee isbeddelka cimilada oo Itoobiya martigelin doonto. Waxa kale oo uu sheegay in labada dal ay ka go’an tahay in ay sii xoojiyaan iskaashigooda, isagoo ku daray in Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Sardari uu qorsheynayo inuu booqdo Itoobiya.
Dhalinyarada Itoobiya ee booqday Pakistan waxay ka qaybqaateen kulanka aqalka sare ee Pakistan, halkaas oo ay la yeesheen is-weydaarsi khibradeed oo dheeraad ah, marka laga soo tago soo bandhigidda Barnaamijka Raadka Cagaaran ee Itoobiya.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya