Waxaa la dhagax-dhigay billowga Cusbitaalka Darajada Koowaad ee magaalada Ayshica oo ay ku baxayso lacag dhan 205 Milyan oo Birr - ENA Af-Soomaali
Waxaa la dhagax-dhigay billowga Cusbitaalka Darajada Koowaad ee magaalada Ayshica oo ay ku baxayso lacag dhan 205 Milyan oo Birr

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 14/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxwayne ku-xigeenka, Mudane Ibraahim Cumaan Faarax iyo Madaxa Xafiiska Caafimaadka, Dr. Muuse Axmed ayaa dhagax-dhigay balaadhinta xarunta caafimaadka Ayshica oo laga dhigay Cusbitaalka Darajada Koowaad, uuna fulinayo Xafiiska Caafimaadka DDS; kaasi oo socon doona muddo 18 billood ah.
Xukuumadda Deegaanka ayaa isbaddelkii kaddib ahmiyad balaadhan siisay adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada oo uu caafimaadku ugu horreeyo si tabashooyinka bulshada ee garta ah looga jawaabo.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya