Waddo Jay ah oo isku xidhaysa Hadhagaale iyo Gabi oo ay ku baxayso adduun lacageed oo ku dhaw 180 Milyan oo Birr ayaa bilowgeeda la dhagax-dhigay. - ENA Af-Soomaali
Waddo Jay ah oo isku xidhaysa Hadhagaale iyo Gabi oo ay ku baxayso adduun lacageed oo ku dhaw 180 Milyan oo Birr ayaa bilowgeeda la dhagax-dhigay.

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 14/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Wasaaradda Dooxooyinka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo ee JDFI, Dr. Abraham Balay ayaa dhagax-dhigay bilowga dhismaha waddadani oo uu dhererkeedu yahay 30 Km, halka balaceeduna yahay 7 meter. Mashruuca Jidkan waxaa fulinaya LLRP.
Degmada Hadhagaale ee gobolka Sitti ayaa hodan ku ah biyaha dhulka hoostiisa ku jira; Biyahaasi oo looga faa'iidaysto waxsoosaarka kala duwan ee dalagga beeraha.
Jidkan waxa uu fududayn doonaa in beeralaydu si sahlan ugeeyaan dalagooda suuqyada, waxa ayna horseedi doontaa, iibka iyo ganacsiga bulshada oo kobca.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya