Waxaa xadhiga laga jaray Shaybaadhka Xannaanada Xoolaha ee degmada Hadhagaale oo ay ku baxday lacag dhan 129 Milyan oo Birr.

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 14/2017 (ENA): 
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Wasiirka Dooxooyinka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo ee JDFI, Dr. Abraham Belay ayaa xadhiga ka jaray mashruucani Shaybaadhka Xoolaha.


 

Shaybaadhkan oo uu fuliyay Mashruuca Horumarinta Hab-nololeedka Bulshada Xoolo-dhaqatada iyo Xoolo-dhaqato beeraleyda ee (LLRP) ayaa lagu soo gunnaanaday muddo sanad iyo badh ah.


 

Madaxweyne, Mustafe Muxummed Cumar oo munaasibadda ka hadlay ayaa xusay ahmiyada uu shaybaadhkani u leeyahay bulshada: " "Sida aynnu daawada ugu baahanahay ayay xooluhuna ugu baahan yihiin, enaguna waxa aynnu nahay bulsho xoolo-dhaqato ah, sidaasi awgeed mashruucani waa mid ahmiyad balaadhan u leh bulshadeena", ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Shaybaadhkani ayaa xoojin doona caafimaadka xoolaha deegaanka iyo kor u qaadista dhaqaalaha bulshada ku tiirsan xoolaha, waxa uuna door muhiim ah ka qaadan doonaa; Baadhista cudurrada xoolaha, cilmi-baadhista ku saabsan xoolaha, xakamaynta cudurrada faafa, diiwaangelinta iyo xog urruurinta caafimaadka xoolaha iyo la socoshada xaaladdooda guud.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015