Dhismaha Jidka isku xidha Mi'ayso iyo Diridhaba waxa uu faa’iido weyn u leeyahay xidhiidhka ganacsi iyo dad-wadaag ee Itoobiya ay la leedahay dalalka gobolka.

Addis Ababa; Naaf/Nahase 13/2017 (ENA):- Wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Jaaltu Sani ayaa sheegtay in Dhismaha Jidka isku xidha Mieso iyo Diridhaba ayaa faa’iido weyn u leh xidhiidhka ganacsi iyo dad-wadaag ee Itoobiya ay la leedahay dalalka gobolka.

Xaflad si rasmi ah loo daah furayay dhismaha wadada isku xirta Mi'ayso iyo Diridhaba ayaa lagu qabtay magaalada Diridhaba.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wadadan ay hoos u dhigi doonto qiimaha gaadiidka iyo shilalka gaadiidka.


 

Wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Jaaltu Sani ayaa isla markaana tidhi; Dhismaha kaabayaasha waddooyinka oo muhiim u ah kobaca iyo barwaaqada dalka ayaa si weyn loo wadaa. 

Waxa ay sheegtay in dhismaha wadada isku xirta Mi'ayso iyo Diridhaba uu ka dhimi doono waqtiga safarka oo ahaa wax ka badan 5 saac iyo bar.

Mashruucan ayaa qayb ka ah hindise-sharciyeedka isku xidhka Geeska Afrika oo ay Itoobiya ku taallo, waxaanu wax weyn ka tari doonaa xidhiidhka ganacsi ee dalka iyo dadka iyo dadka ee dalalka deriska ah, waxaanu hoos u dhigayaa kharashaadka gaadiidka iyo shilalka gaadiidka.

Wasiirku waxa ay sheegtay in mashruucani yahay mid ka tarjumaya riyooyinkeena, muujinta rabitaankeena, kana soo baxay wadaniyad iyo dadaal. waxay bixin doontaa gaadiid casri ah, badbaado leh oo ku habboon.


 

Maayar ku-xigeenka Ismaamulka Magaalada Diridhaba Xarbi Buux waxa uu yidhi; Dhismaha waddadu waxa ay yaraynaysaa wakhtiga, waxa ay abuuri doontaa fursado dhaqaale oo cusub, waxaanay fududayn doontaa ganacsiga soo dejinta iyo dhoofinta.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhameystiri lahaa mudada loo qabtay.


 

Agaasimaha Guud ee Maamulka Wadooyinka Itoobiya Injineer Maxamed Cabdiraxmaan ayaa yiri: Mashruuca waxaa loo dhisi doonaa labo weji, wuxuuna dabooli doonaa 144 KM.

Waddadan ayaa lagu dhisi doonaa 62.6 bilyan oo Birr oo uu ka helayo Bangiga Adduunka, waxaana shaqada si wada jir ah u fulin doona shirkadda dhismaha ee China Civil Engineering Construction Corporation iyo Sichuan Road and Bridge Corporation, waxaana la filayaa in lagu soo gabagabeeyo afar sano gudahood, ayuu yiri.


#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#EZA
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015