Madaxweynaha Deegaanka Soomaida ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Shiniile - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha Deegaanka Soomaida ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Shiniile

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 12/2017 (ENA): Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa maanta gaadhay degmada Shiniile ee gobolka Siti, isagoo socdaal shaqo ugu baxay gobolka.
Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay tuulada Laas-dheere ee degmada Shiniile, halkaas oo dadweyne iyo masuuliyiin kala duwan ay kaga qeyb galeen soo dhoweynta.
Socdaalka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Madaxweyne Kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Golaha Fulinta ee DDS, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya barnaamijyada horumarineed ee gobolka.
Socdaalkan ayaa fursad u noqon doona Madaxweynaha iyo masuuliyiinta socdaalka ku wehliya inay si toos ah u eegaan adeegyada bulshada, mashaariicda horumarineed, iyo baahiyaha degmooyinka gobolka Siti.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha DDS uu kulamo kala duwan la yeesho masuuliyiinta deegaanka iyo bulshada, si loo xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo dowladda iyo horumarinta gobolka.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya