Itoobiya ayaa ku guulaysatay hirgelinta Ololaha Cagaaran, Pakistan-na ku sheegtay inay noqotay saaxiib istiraatiiji ah oo caalami ah— Yuusuf Rasa Gilani

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 12/2017 (ENA): Itoobiya waxa ay ku guulaysatay in isbeddel muuqda ay ku keento hirgelinta Ololaha Cagaaran, waxaana Pakistan ku dhawaaqday inay Itoobiya ula shaqaynayso sidii saaxiib istiraatiiji ah oo caalami ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Pakistan iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Yuusuf Rasa Gilani.


 

Munaasabad ay safaaradda Itoobiya ee Pakistan soo qabanqaabisay ayuu Gilani ku sheegay in shaqada ka socota Itoobiya ay tahay mid xal dabiici ah u raadineysa dhibaatooyinka isbeddelka cimilada, sidaas darteedna Pakistan ay muhiim u aragto inay si qoto dheer ula shaqeyso Itoobiya.

Danjiraha Itoobiya ee Pakistan, Dr. Jamaal Beker, dhankiisa wuxuu sheegay in guulaha gudaha dalka laga gaadhay loo adeegsaday sidii Itoobiya uga faa’iidaysan lahayd siyaasadda cagaaran ee diblomaasiyadda.


 

Waxaa kale oo lagu xusay in xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Pakistan uu hadda xooga saarayo sidii labada dal uga wada shaqayn lahaayeen in cadaaladda isbeddelka cimilada lagu fidiyo heer caalami ah.

Sidoo kale, saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, koox dhalinyaro ah oo ka kala socota maamul goboleedyada kala duwan ee Itoobiya ayaa ku sugan magaalooyinka Pakistan, halkaas oo ay ku gudbinayaan khibradda Itoobiya iyo sidii loogu hirgelin lahaa geed beerista Ololaha Cagaaran.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015