ENA iyo Xafiiska Warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Benishangul Gumuz ayaa Heshiis iskaashi kala saxeexday

Asosa, Naaf/Nahase 12/2017 (ENA): Wakaalada Wararka Itoobiya ee ENA iyo Xafiiska Arimaha Isgaadhsiinta ee Dawlad Deegaanka Benishangul Gumuz ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi oo ay iskaga kaashanayaan dhinacyada shaqada iyo tababarada warbaahinta.

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Assosa ayaa waxa u saxeexay maamulaha guud ee laanta wararka Itoobiya mudane Seyfe Dharibe iyo madaxa xafiiska xidhiidhka dawlad deegaanka ee Benishangul Gumuz mudane Melese Beyene. 

Sida uu sheegay madaxa xafiiska xidhiidhka dawlad goboleedka Benishangul Gumuz mudane Melese Beyene, waxa uu sheegay in deegaanku uu leeyahay wax qabad dhanka dhaqanka, luuqada iyo khayraadka dabiiciga ah, isla markaana wada shaqayntu ay wax badan ka tari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa awoodan.

“wakaaladda wararka Itoobiya waa hay’ad hormuud u ah,” ayuu yiri mudane Melese oo intaas ku daray in ay Itoobiya ka horumarinayso dhinac walba oo ay ka mid tahay deegaanka Benishangul Gumuz. 

Waxa uu tilmaamay in deegaanka Benishangul Gumuz oo ah halka uu ka socdo biyo xidheenka wayn ee Itoobiya uu leeyahay khayraad badan oo u baahan in kor loo qaado, waxaanu sheegay in la isku afgartay in wada shaqayn dhaw lala yeesho Hay’adda ENA, maadaama ay tahay hay’ad khibrad iyo karti badan leh.


 

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in dowlad deegaanka ay la garab istaagi doonaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen howlaha ay hay’addu qabato. 

Maamulaha guud ee wakaaladda wararka Itoobiya mudane Seyfe Dharibe ayaa sheegay in hay’addu ay si weyn uga shaqaynaysay horumarinta luuqadaha kala duwan ee dalka Itoobiya 38-ka laamood ee ay ku leedahay guud ahaan dalka Itoobiya sanadihii u dambeeyay. 

Waxa uu sheegay in deegaanka Benishangul Gumuz marka laga soo tago in ay tahay goob af iyo dhaqan kala duwan ay tahay goobta uu ka socdo biyo xidheenka wayn ee Itoobiya, heshiiska iskaashina uu wax badan ka tari doono sidii loo sii amba qaadi lahaa hawlaha shaqo ee ka bilowday deegaanka. 

Waxa kale oo uu xusay in heshiiska wada shaqaynta ah ee xafiiska isgaadhsiinta ee deegaanka uu yahay mid muhiim ah maadaama gobolka Benishangul Gumuz uu isna yahay mid dhanka luuqadaha ah, isla markaana uu ka caawin doono sidii uu gobolku u gaadhi lahaa himiladiisa qaran isagoo sheegay in ay tahay in la helo warar iyo barnaamijyo ku baxaya afaf kala duwan.

Waxa kale oo uu xusay in deegaanku yahay xudunta ugu weyn ee cufis-jiidadka, maadaama uu yahay halka uu ka socdo biyo xidheenka wayn ee Itoobiya, kaas oo isku xidha dadka Itoobiya, waxaanu u caddeeyey inuu sii wadi doono wada shaqaynta dhow ee uu la yeelanayo dawlad deegaanka mashaariicda warbaahinta ee lagu horumarinayo Itoobiya.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015