Madaxa Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Axmed Shukri Cabdi, ayaa kulan laqaatay Jaaliyada DDS ee kunool Magaalada Miniapoles

Addis Ababa; Naaf/Nahase 12/2017 (ENA): Madaxa Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Axmed Shukri Cabdi, ayaa kulan laqaatay Jaaliyada DDS ee kunool Magaalada Miniapoles, Gobolka Minisota ee Cariga Maraykanka. 


 

Kulanka oo ay jaaliyadu ugu talogaleen Soodhawaynta Wasiirka, ayaa lagaga wadahadlay Horumarka baaxada leh ee Isbadalkii kadib ka hanaqaaday Deegaanka Soomaalida iyo sidii ay Qurba-joogtu Kaalin muuqata uga qaadanlahaayeen.


 

Wasiirka ayaa Jaaliyada Deegaanka warbixin guud ka siiyay xaaladda Deegaanka iyo shaqooyinka horumarineed ee ka socda isagoo xusay in qurbojoogtu kaalin muhiim ah ugu jirto xukuumada Deegaanka Soomaalida loona baahan yahay inay doorkooda ka qaataan horumarka Deegaanka iyo fursadaha maalgalineed.

Qurba joogtii munaasibada ka hadashay ayaa dhankooda sheegay in isbedelkii kadib Deegaanka Soomaalidu uu helay amni, horumar iyo furfurnaan siyaasadeed.

 

#Itoobiya 

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015