Shir Looga Hadlay Xoojinta Nabadgelyada iyo Darris-wanaagga u dhexeeya Degmooyinka Gobolka Siti iyo Degmooyinka Bari & Galbeed ee deegaanma Oromada

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 10/2017 (ENA): Magaalada Diridhaba oo lagu qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlay adkaynta nabadgelyada iyo xoojinta daris wanaagga u dhexeeya degmooyinka gobolka Siti ee Deegaanka Soomaalida iyo degmooyinka gobollada bari iyo galbeed ee ka tirsan Deegaanka Oromada.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta gobolka Siti Deegaanka Soomaalida iyo gobolada bariga iyo galbeedka Hararge ee Deegaanka Oromada iyo maamulada degmooyinka dariska ee goboladaasi ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayey xoojinta nabadgelyada meelaha soohdimaha ah ee u dhexeeya degmooyinka Goota-biki, Afdam iyo Ma’ayso ee gobolka Siti ee Deegaanka Soomaalida iyo degmooyinka Guruguti, Dooba iyo Me'ayso ee Deegaanka Oromada.

Intii uu socday kulanku waxaa xoogga la saaray dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin adkaynta nabadgelyada iyo sugidda xasiloonida xuduudaha, xoojinta isdhexgalka bulshada dariska ee daris wanaaggu ka dhexeeyo, dhisida hannaan wadajir ah oo lagu maareeyo khilaafaadka iyo kawada shaqaynta iskaashiga horumarineed.


 

Waxaa sidoo kale inta uu kulanku socday lagu xusay in bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada uu ka dhexeeyo xidhiidh soo jireen ah oo dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan dhaqanka, dhaqaalaha, ganacsiga, qiyamka wadajirka ah iyo soohdimaha dhaadheer ee labada bulsho ay wadaagaan.

Dhanka kale, ka qeybgalayaashu waxay muujiyeen go’aan adag oo ku saabsan ilaalinta nabadgelyada iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada.

Ugu dambayntii, kulanka ayaa la iskula qaatay in la sii dardargaliyo adkaynta nabadgelyada iyo sii xoojinta xidhiidhka bulshooyinka labada dhinac ee ku dhisan midnimada, isjacaylka iyo wadajirka.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015