Qalfoofka Luusi, oo ah lafo taariikhiga ah oo laga helay Itoobiya, ayaa lagu soo bandhigi doonaa Matxafka Brague ee dalka Jamhuuriyadda Jek

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 9/2017 (ENA): Bandhig caalami ah oo muujinaya taariikhda hore ee aadanaha ee Itoobiya ayaa laga bilaabi doonaa bartamaha Yurub 25-ka Agoosto. Luusi ayaa qayb ka noqon doona bandhiggaas oo ka dhici doona Brague.

Sidoo kale, waxaa jiri doona fagaareyaal ganacsi, bandhigyo farshaxan iyo madallo kale oo lagu soo bandhigayo hiddaha iyo dhaqanka Itoobiya.


 

Wasiirka Dalxiiska, Salaamaawit Kaasaa, ayaa sheegtay in socdaalkan Luusi uu qayb ka yahay olole lagu soo bandhigayo muuqaalka cusub ee Itoobiya.

Maareeyaha guud ee Matxafka Brague, Mikaa'eel Lujek, ayaa dhankiisa sheegay in bandhiggani uu yahay bandhig taariikhi ah maadaama uu muujinayo Itoobiya oo ah meesha lagu tuhunsan yahay in ay tahay asal ahaan meesha uu ka soo jeedo bini’aadamku.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015