Maxaa sababa wadno xanuunka?

Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in bini’aadamka ay ku dhici karaan cudurada wadnuhu sababo dabiici ah oo wax laga qaban karo iyo kuwa aan waxba laga qaban karin.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegaan in aan la qiyaasi karin tirada noocyada wadno xanuunka, marka loo eego inay yihiin kuwo farabadan.

Dr. Birhanu Moges oo ah khabiirka takhasuska wadnaha ee Kulliyada Sayniska Caafimaadka ee Jaamacadda Addis Ababa, Cusbitaalka Tikur Anbessa, ayaa yidhi; Maadaama ay jiraan noocyo badan oo cudurrada wadnaha ah, suurtagal maaha in la yiraahdo guud ahaan; way badan yihiin; waxa kale uu sheegay in ay jiraan xanuuno yareeya wadnaha iyo halbowlayaasha.

Waxa uu sidoo kale uu ku sharaxay wareysigi uu la yeeshay ENA in wadno xanuunku uu keeni karo dhibaatooyin caafimaad oo adag oo joogto ah iyo xitaa dhimasho degdeg ah.

Haddaba, maxaa keena cudurrada wadnaha?

Dr. Birhanu wuxuu sharxayaa in qofka ay cudurrada wadnuhu ugu dhici karaan sababo dabiici ah iyo kuwo aan dabiici ahayn.

Waxyaabaha khatarta ah ee aan dabiiciga ahayn ee laga qaado cudurada wadnaha waxaa ka mid ah; Cadhada badan, sigaar cabbid, dhiig karka (haddii aan si habboon loo daawayn), dufan badan oo urursan, miisaan badan, jimicsi la'aan, cunto la'aan caafimaad leh, iyo isticmaalka xad-dhaafka ah ee sonkorta, nacnaca, iyo khamriga.

Sidoo kale, ka mid ah sababaha dabiiciga ah ee aanay dadku wax ka beddeli karin; in qoyska mid ka mid ah uu leeyahay wadno xanuun qoyska, da'da, tusaale ahaan: ragga waxay aad ugu dhow yihiin inay ku dhacaan cudurrada wadnaha marka ay ka weyn yihiin 45 jir iyo haweenku ka weyn yihiin 55 jir.

Waa maxay calaamadaha cudurada wadnaha?

Laabta oo ku xanuuna gaar ahaan dhinaca bidix ama dhexda, daal aan caadi ahayn, neefsashada oo kugu adkaata, bararka jidhka, gaar ahaan lugaha, miyir beelka, iyo qufaca waxay noqon karaan calaamadaha cudurrada wadnaha.

Haddaba sidee ayaad u ilaalin kartaa caafimaadka wadnahaaga?

Dr. Birhanu waxa uu ku talinayaa in la raaco cunto caafimaad leh intii suurtogal ah; cunista khudradda si joogto ah, isticmaalka saliidda cuntada, iyo ka fogaanshaha sonkorta, milixda, iyo macmacaanka.

Wuxuu kaloo xusay baahida loo qabo dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah; baaskiil wadida, socodka, dabaasha, iyo ka shaqaynta ilaa aad dhididsanayso oo garaaca wadnahaagu kordho, maadaama ay dhamaantood ka qayb qaadanayaan ilaalinta caafimaadka wadnaha.

Dr. Birhaanu ayaa sidoo kale sheegay in ilaalinta miisaanka jirka ee caafimaadka qaba ay ku habboon tahay; "Tusmada culeyska Jirka (BMI)" waxaa lagu talinayaa in ay ahaato inta u dhaxaysa 18.5 iyo 25.

Waxa uu sheegay in ka fogaanshaha acabka sigaarka iyo khamriga, daawaynta oo aan la joojin haddii aad qabto xanuunka macaanka ama dhiig karka, in la baadho caafimaadka wadnaha laba jeer sannadkii, in aan la cunin dufan badan oo cuntada ku jirta, iyo fadhiga oo aan badnayn ay kaa caawin karto ka hortagga cudurrada wadnaha.

Khabiirka caafimaadku waxa uu kula taliyey dadka caafimaadka qaba ee da’doodu ka yar tahay 45 sanno in hal mar ilaa saddex sannadood la maro baadhista wadnaha, kuwa da’doodu ka weyn tahay 45 sanno sannad kasta, iyo kuwa wadne xannuunka qaba inay si joogto ah u maraan baadhitaanno caafimaad oo joogto ah haddii loo baahdo.

Waxa uu soo xigtay daraasad la sameeyay 2021; isagoo xusay in 5 ilaa 20% dadka Itoobiya ay la ildaran yihiin xanuunnada wadnaha.

Waxa uu tilmaamay in xanuunada Wadnaha oo inta badan lagu tiriyo cudurada dalalka horumaray uu haatan ku soo badanayo dalka Itoobiya.

Gabagabadii, waxa uu bulshada kula taliyey in ay ka taxadaraan sidii ay isaga ilaalin lahaayeen cudurada wadnaha; waxa uu ku nuux-nuux saday in hadii ay jirto dhibaato intaas ka baxsan ay muhiim tahay in si deg deg ah loo raadiyo daryeel caafimaad oo aan la sugin inta uu cudurku ka gaarayo marxalad adag.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015