Itoobiya ayaa sheegtay inay xoogga saarayso ka faa’iidaysiga awooddeeda ballaaran ee tamarta, oo ay ku jirto tan qorraxda, Inj. Suldaan Wali (PhD)

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 7/2017 (ENA): Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta iyo Ururka Caalamiga ah ee Iskaashiga Tamarta Qorraxda ayaa kala saxiixday heshiis bilow ah oo ku saabsan dhismaha mashaariicda tiknoolojiyadda tamarta qorraxda.

Heshiiskan laba geesoodka ah ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay fulinta mashaariicda caalamiga ah ee horumarinta tamarta qorraxda, gaar ahaan dhismaha xarumaha koronto-dhalinta, horumarinta adeegyada waraabka iyo biyaha la cabbo, iyo soo saarista fursado iskaashi oo dhinaca maalgelinta iyo tiknoolojiyadda ah.

Wasiiru Dowle Suldaan Wali ayaa xusay in bixinta tamar la isku halayn karo, waarta, oo caddaalad ah ay muhiim u tahay horumarka iyo barwaaqada dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay si dhab ah uga shaqaynayso in si buuxda loo isticmaalo awoodaha kala duwan ee tamarta, gaar ahaan tan qorraxda.

Wuxuu tilmaamay in tamarta qorraxdu door weyn ka ciyaari doonto horumarka dalka, isla markaana uu socda iskaashi lala leeyahay Ururka Caalamiga ah ee Iskaashiga Tamarta Qorraxda iyo bahwadaagta horumarinta caalamiga ah.

Ururka Caalamiga ah ee Iskaashiga Tamarta Qorraxda ayaa sheegay inuu taageero siinayo dalal badan oo ay ku jirto Itoobiya si ay u gaaraan yoolalka horumarinta waarta. Taageeradaas waxay ku jirtaa bixinta tiknoolojiyad tamarta qorraxda, dhismaha awoodaha hay’adaha, iyo abuurista jawi sharci oo ku habboon fidinta tamarta dib loo cusboonaysiin karo.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in ururku ka taageerayo Itoobiya fidinta shabakadda korontada la gaarsiiyo tuulooyinka, horumarinta tiknoolojiyadda iyo awoodaha hay’adaha, iyo bixinta taageero dhinaca waxbarashada iyo tababarka ah.


 

Agaasimaha Guud ee Ururka Caalamiga ah ee Iskaashiga Tamarta Qorraxda, Sh. Ashish Khanna, ayaa sheegay in Itoobiya ay ku jirto waddo guul leh oo lagu ballaarinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta dib loo cusboonaysiin karo, taas oo ka caawinaysa inay sii waddo horumarkeeda.

Ururka ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu taageeri doono dadaallada Itoobiya ee lagu ballaarinayo ka faa’iidaysiga tamarta qorraxda, isagoo ka caawin doona dhinacyo kala duwan.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015