Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka iyo hay’adaha hoos yimaadda ayaa howlo adeegga iskaa wax u qabso ah ka qabtay gobolka Faafan ee DDS

Jigjiga; Naaf/Nahase 4/2017 (ENA): Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka iyo Hay’adaha hoos taga ayaa hawlo shaqo oo iskaa wax u qabso ah ka wada gobolka Faafan ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Barnaamijka ayaa waxaa ka mid ah dhir-beerista raadka cagaaran, dayactirka guryaha dadka danyarta ah iyo bixinta agab waxbarasho ee carruurta dugsiyada wax ka barta.

Barnaamijka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Alemu Sime (Dr.), Wasiiru Dowlayaasha iyo Agaasimayaasha Hay’adaha xiriirka la leh, iyo sidoo kale shaqaalaha.

Sidoo kale waxaa barnaamijka ka qayb galay wakiilka madaxwaynaha dawlada deegaanka soomaalida ahna madaxa xafiiska horumarinta xoolo dhaqatada Cabduqaadir Iimaan (Dr.), iyo masuuliyiin kale oo heer gobol, heer degmo iyo heer degmo.

Wasaaradda iyo madaxda hay’adaha ay khusayso ayaa la filayaa inay bilaabaan dayactirka guryaha danyarta kadib dhir-beerista.

#Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015