Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolo Dhaqatada ayaa soo kormeeray Mashruuca Horumarinta Marinnada ee Jigjiga

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 3/2017 (ENA): Kusimaha Madaxwaynaha ahna Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolo dhaqatada DDS Cabdiqaadir Iimaan (PhD) oo ay weheliyaan Kuxigeenka Xafiiska Madaxweynaha Maxamed Yuusuf Rooble iyo Duqa Magaalada Jigjiga Eng. Shaafi Axmed ayaa soo kormeeray habsami usocoda Mashruuca Horumarinta marinnada Jigjiga, gaar ahaan qeybta laami dhigistu ka socoto ee wareegga isgoyska jidka Harar ilaa isgoyska jidka Ducaale ama Xamda Huteel.


 

Kormeerka ayaa darnaa dabagal iyo dardargalin dhamaystirka shaqada jidka, iyadoo tala bixino kala duwan la siiyay shirkadaha shaqada wada inay dadajiyaan islamarkaana ay ilaaliyaan tayada jidadka.


 

Ugu dambayn Mashruuca Horumarinta Marinada Jidadka ee Magaalada Jigjiga oo maraya heer gabogabo ah ayaa magaalada kusoo kordhiyay bilic iyo meherado si casri ah loo dhisayo. Waxaa kale oo uu saamayn wanaagsan ku yeeshay caafimaadka bulshada, iyadoo dadku ku lugeeyaan goobaha loogu talo galay socodka lugta.

 

#Itoobiya 

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015