Ka faa’iidaysiga awoodaha ka jira dhammaan goobaha iyo xoojinta iskaashiga ayaa ah kuwo muhiim u ah xasilinta nabadda— Wasaarada Nabadda

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 3/2017 (ENA): Wasaaradda oo soo qabanqaabisay madal wadatashi oo ka socota magaalada Adhaama ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxda qaybaha nabadda iyo amniga ee ka kala yimid dhammaan dowlad-deegaanka dalka iyo labada maamul magaalo. Madashan ayaa lagu qabanayaa hal-ku-dhegga "Xoojinta Nabaddeenna si aan Itoobiya u Dhisno."

Wasiiru Dowlaha Nabadda Dr. Khayradiin Tasaraa, oo soo jeediyey qoraal ku saabsan waxa laga filayo qof kasta si loo xoojiyo nabadda, ayaa sheegay in xoojinta nabaddu ay ka dhigan tahay dhisidda saldhig adag oo ka hortagaya soo noq-noqoshada colaadda. 

Wuxuu ku daray in arrintan ay ku jirto xoojinta ka-qaybgalka bulshada iyo shaqsiyaadka, isku-duwidda siyaasadeed iyo dhaqaale, iyo qaab-dhismeedyo nidaamsan.

Waxa uu sheegay in digniinta hore iyo jawaabta degdegga ah, ka faa’iidaysiga awoodaha ka jira dhammaan meelaha, iyo dhisidda kalsooni wadajir ah ay ka mid yihiin dariiqyada lagu xaqiijin karo nabadda.


 

Sidoo kale, dhisidda qaab-dhismeedyo hay’adeed, xalinta khilaafaadka iyada oo loo marayo wada-hadal iyo is-afgarad, iyo kor u qaadista ka-qaybgalka bulshada ayaa lagu tilmaamay dariiq kale oo nabad lagu xaqiijin karo.

Wasiiru Dowlaha waxa uu xusay in xoojinta nabaddu ay leedahay faa’iidooyin waaweyn, gaar ahaan dhisidda horumar waara iyo dimuqraadiyad. 

Waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in xoojinta midnimada qaran iyo dhisidda aqoonsi wadajir ah ay yihiin dariiq kale oo nabad lagu sugi karo.

Ugu dambayn, waxa uu carrabka ku adkeeyey in la wada leeyahay mas’uuliyadda sugidda nabadda, iyadoo ka faa’iidaysiga awoodaha deegaanka iyo xoojinta iskaashigu ay yihiin kuwo lagama maarmaan ah.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015